Bahda waxbarashada Muqdisho oo ku dhawaaqday shaqo jooojin

Bahda waxbarashada ee Magaalada Muqdisho oo maanta warbaahinta la hadlay  ayaa ku dhawaaqday shaqo joojin muddo saddex maalin ah, taas oo ka bilaabanaysa maalinta Sabtida oo ay taariikhdu ku began tahay February 17, 2024-ka.

Shaqo joojinta ay ku dhawaaqeen Bahda waxbarashada ayaa timid ka dib markii maalintii Isniinta magaalada Muqdisho lagu dilay Alle ha u naxariistee Macallin Cabdiraxmaan Maclow Abiikar, oo ka tirsanaa Barayaasha Iskuulka Siidii ee degmada Wadajir.

Bahda Waxbarashada ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in cadaalladda la horkeena Wiilkii dilay macalinka, kaas oo dilkiisa u adeegsaday Tooray, sida uu warbaahinta u sheegay Maamulaha Iskuulka.

Dhanka kale Walaalka la dhashay Alle ha u naxariistee Macallin Cabdiraxmaan Maclow Abiikar oo dhankiisa la hadlay warbaahinta ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in caddaaladda la horgeeya Wiilka dilay Walaalkiisa isaga oo sheegay in aan la aasi doonin Maydka Macallinka illaa Cadaaladda loo helo.

Maalmihii u dambeeyey magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya dilalka nuucaan oo kale, sidaan oo kale laba Wiil iyo Hooyadood ayaa todobaadkii hore waxa ay sidaan Muqdisho Tooray ugu dileen Nin qabay Hooyada oo Wiilasha u ahaa Adeer, iyada oo Booliska gobolka Banaadir uu sheegay in la baadigoobayo eedaysanayaasha.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed