Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay Xubnaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
169-Xildhibaan ayaa ogol u codeysay, waxaa diiday 6-xildhibaan, mana jirin xildhibaan ka aamusay.
Guddigaan oo ka kooban 18 xubnood waxaa xalay ansixiyey Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.