Baarlamaanka Soomaliya oo ansixiyay afar cutub oo ka mid ah dastuurka

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dastuurka dalka, Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulanka shir guddoominaya, wuxuuna ku dhawaaqay in la ansixiyey dastuurka.
Kulanka xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kooramka soo xaadiray 254 mudane oo kala ah 212 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 42 senator oo Aqalka Sare ah.

Saddex qodob oo ay sheegeen guddigii ku hawlanaa waxkabaddalka dastuurka in ay quseeyaan diinta islaamka isla markaana ay talo soo jeedin uga timid culumada ayaa dib loo dhigay.

Guddiga ayaa sheegay in ay saddexda qodob ee kala ah 13-aad farqadiisa 1-aad, 16-aad iyo 28-aad farqadiisa labaad ay u dirayaan cilmibaaris haddii loo oggolaado taas oo loo codeeyay sidaasna dib loogu dhigay.

Xildhibaano ,Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Maamulada dalka ayaa diidan waxkabadalka lagu sameeyay dastuurka soomaliya iyada oo aan latashi badan lagalin sida ay sheegeen .

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed