Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in uu u codeeyo cutubyo katirsan Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka oo kulamadii u dambeeyay ay ka doodayeen Xildhibaannada & Senatarada Baarlamaankaan.
Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay in fadhigooda maanta ay soo xaadiraan waxaana ay u codaynayaan cutubyadaas doodaha ay ka yeesheen isla markaana waxyaabaha laga baddelayo ay ku dareen intii ay soo jeedinta samaynayeen xubnaha Baarlamaanka.
Haddii Baarlamaanka uu u codeeyo afartaan cutub ee Dastuurka Dalka waxaa markale loo gudbin doonnaa cutubyo kale oo qabyo-tir lagu samaynayo sida ay sheegeen xubnaha Guddiyada howshaan faraha ku haya si Dalka uu uga baxo ku dhaqanka Dastuur Kumeel-gaar ah oo muddo dhowr howshiisa ay furan tahay.
Tallaabadaan waxaa dood ka keenay Xildhibaannada qaar, Madax dalka horay xilal uga soo qabatay iyo Dowlad-Goboleedka Puntland oo aanay qayb ka ahayn kulamadii ugu dambeeyay Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha dhowr ah uga hadleen.