Baarlamaanka Puntland oo doortay gudoonka cusub

Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta doorasho ka dhacday Magaalada Garoowe ku doortay gudoonka cusub ee golaha wakiilada Puntland kuwaas oo kala ah Gudoomiyaha & Labadiisa ku xigeen, dorashada oo ay ka qeybgaleen mudanayaasha cusub ee Baarlamaanka Puntland kuwaas oo tiradoda tahay 66 xildhibaan.

Xilka Gudoomiyaha Golaha waxaa wakiilada waxaa isu soo sharaxay 4 Mudane oo golaha ka tirsan kuwaas oo kala ah

Gudoomiyihii hore C/rashiid Yusuf Jibril
Xildhibaan Maxamed Faarax Maxamed (Gabyow)
Xildhibaan C/risaaq Axmed Siciid Farax
Xildhibaan Mursal Maxamed Cabdi

Wareega koowaad ee doorashada Gudoomiyaha oo ay ka soo gudbeen Xildhibaan C/risaaq Axmed Faarax, Xildhibaan Maxamed Faarax Maxamed (Gabyow) & Xildhibaan Mursal Maxamed Cabdi ayay go’aansadeen inay u tanaasulaan Xildhibaan C/risaaq Axmed Siciid Farax oo natiijada doorashada Hogaaminayay sidaas ayaana Xildhibaan C/risaaq Axmed Siciid Farax uu ku noqday Gudoomiyaha Golaha wakiilada Puntland.

Doorashada Gudoomiye Ku xigeenada 1aad & 2aad Baarlamaanka Puntland oo isna ay ku tartamayeen 10 mudane oo golaha ka tirsan ayaa waxaa ku kala guuleystay Xildhibaan Maxamed Baari Shire oo noqday Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Puntland halka Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe) uu noqday gudoomiye ku xigeenka Labaad.

Doorashada Madaxweynaha & ku xigeenkiisa ayay Baarlaamanka Cusub gudoonkiisu soo dooran doonan 8-da janaayo oo maalmo kooban ay inaga Xigaan.

SBC News Desk

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed