Baarlamaanka Dowladd Goboleedka Jubaland ayaa saakay ansixiyay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland oo uu xalay soo magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe.
Guddigaan oo ka kooban 7 xubnood ayaa loo igmaday inay howsha doorashada Jubaland ay ugu qabtaan sida ugu dhaqsiyaha badan marka loo eego xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland.
Magaalada Kismaayo waxa ay guda galaysaa maalmihii olalaha doorashada inkastoo dibad joog ay ka tahay Xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Anisixinta Guddigan oo ay Baarlamaanka Jubaland ansixiyeen waxa ay kusoo beegantay saacado kadib markii ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka hortimid go’aankii uu Madaxweynaha Jubaland uu ku magacaabay xalay Guddiga Doorashada, waxaana ay ku eedeysay Wasaaradda Axmed Madoobe inuu markale doonayo in isku doorto magaalada Kismaayo.