Baarlamaanka Carabta oo ka horyimid faragalinta Itoobiya ee xuduudaha Soomaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa war-murtiyeed ka soo saaray xiisada ka taagan gobolka Geeska Afrika, iyagoo si cad u taageeray amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Warmurtiyeedka uu soo saaray Baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ahaa qodobadan:

1aad: Wuxuu si buuxda u diiday isku dayga lagu xad-gudbay Qaranimada, Madax-bannaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku baaqay in si buuxda loogu hoggaansamo qawaaniinta iyo mabaadiida deris-wanaagga, ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo inaan la faragelinin. arrimahooda gudaha si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida gobolka.

2aad: Waxa uu adkaynaya ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo in Gobollada Waqooyi (Somaliland) ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya sida waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

3aad: Baarlamaanku waxa uu cambaareynayaa heshiis-beenaadkii ay wada saxeexdeen dawladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland, maadaama uu heshiiskan xad-gudub ku yahay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

4aad: Baarlamaanka ayaa xaqiijiyay in falalka noocaan ah ay halis ku yihiin amniga iyo xasiloonida gobolka, ayna saameyn taban ku yeelanayaan xasiloonida gobolka Geeska Afrika iyo isu socodka gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

5aad: Baarlamaanka Carabtu waxa uu si buuxda u taageerayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna soo dhaweynayaa go’aankii Golaha Ammaanka ee ku saabsanaa qaadista cunaqabateynta hubka ee saaranaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tan iyo bishii Janaayo 1992-kii.

6-aad: Wuxuu soo dhaweynayaa go’aankii dowladda Soomaaliya looga cafiyay deymaha dibadda oo gaaraya 4.5 bilyan oo doolar, kadib markii dib u habeyn lagu sameeyay maamulka maaliyadda dalka.

7-aad: Wuxuu ugu baaqayaa dalalka Carabta, beesha caalamka, hay’adaha gargaarka iyo deeq bixiyayaasha inay garab istaagaan Soomaaliya oo ay u fidiyaan nooc kasta oo taageero siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bani’aadanimo ah.

8-aad: Wuxuu Baarlamaanku ku nuuxnuuxsaday inuu si buuxda u garab taagan yahay Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha hortaagan, isla markaana guud ahaan gayiga Soomaaliya u gaaro horumar iyo barwaaqo waarta.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed