Booliska oo raadinaya Hooyo & labadeeda wiil oo dil geystay

Taliska qeybta guud ee Boliiska gobolka Banaadir oo goordhaw soo saaray warsaxaafadeed ayaa sheegay in ay baadigoobayaan eedaysanaal ku eedaysan dilka Marxuum Ibraahim Xasan Cabdi oo maalinimadii shalay Muqdisho lagu dilay, xilli dilkiisa loo adeegsaday Toorey.

Warka ka soo baxay Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu yiri, “Eedeysaneyaasha kala ah; Ruqiyo Axmed Cabdulle,  Kamaal Aweys Maxamed iyo Cabaas Salaad Shaandi  oo ku eedeysan in ay 09 February  2024-ka mindi ku dileen  Marxuum Ibraahim Xasan Cabdi  oo ahaa ninkii qabay Ruqiyo.”

 

Waka ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Boliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dilkaan ay geysteen Ruqiya iyo labadeeda Wiil, iyaga oo ku eedaysan dilka Adeerkood oo ah Ninka qabay Hooyadood.

 

“Baadi goobka eedeysanayaasha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inu ay u baxsadeen. Qofkii helaa xogtood waxaa ka codsaneynaa inuu la wadaago barta Ciidanka Amaanka ee ugu dhow,” sida lagu yiri warka ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Boliiska gobolka Banaadir .

Dhacdadaan ayaa maalnimadii shalay waxa ay ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxa ay dhacdadaan ku soo beegmaysa xilli magaalada Muqdisho ay ku soo badanayaan falalka dilka ee ka dhex dhaca Qosyska.

Maalintii Khamiista ayaa sidaan oo kale laamaha Ammaanka waxa ay soo qabteen haweenay ku eedaysan in ay ceeji ku dishay Ninkeeda oo ka mid ahaa Askartii lagu soo tababar dalka Eretria kuwaas oo dalka dib ugu soo laabtay sanadkii hore.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed