Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo isaga baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedkaas.

Madoobe oo meel ku dheg ku noqday go’aankiisa la xiriira in haddii la qabanayo Doorasho qof iyo cod ah aan laga maarmi karin Dowlad-Goboleedka Puntland iyo Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo ayaa ugu dambeyn go’aankaan bixitaanka ah qaatay.

Xalay waxaa dhacay kulamadii ugu dambeeyay ee lagu qancin rabay si uu dabac siyaasadeed u muujiyo balse isku daygaas wuu guuldareystay, waxa uu u dambeyn go’aansaday in uu dib ugu laabto Magaalada Kismaayo oo isla barqonimadii maanta uu gaaray.

Waxaa fashilmay in uu Axmed Madoobe sii joogo Magaalada Muqdisho si wadahadal kale la isku dayo, Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ayaa kala hadlay wax ka baddelka mowqifkiisa si uu shirka usii joogo balse ganafka ayuu ku dhuftay.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxda ka qeyb gashay shirka Golaha Wadatashiga ayaa weli hadlin, waxaa lagu wada in ay war kasoo saaraan labada dhinac sida Mustaqbal ay u sheegeen ilo kala duwan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed