Axmed Ciise Cawad ayaa maanta ku dhawaaqay in uu u tartamayo xilka Madaxweynaha Puntland

Musharaxa Madaxweynaha Puntland Axmed Ciise Cawad ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay in uu u tartamayo xilka Madaxweynaha Puntland, waxaana xafladda shaacinta ka soo qayb-galay nabadoono, siyaasiyiin, haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Musharax Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay haddii uu ku guulaysto xilka Madaxweynaha Puntland in uu Puntland gaarsiin-doono hormar, islamarkaasna uu sarreyn-doono sharcigu.

Sidoo kale Musharax Cawad oo ka hadlay qadiyadda SSC Khaatumo ayaa tilmaamay in SSC uu kula shaqayn-doono hadba go’aamada ay gaaraan maadaama ay muhiim u tahay ilaalinta Midnimada Soomaaliya iyo Federalisimka.

Musharax Madaxweyne Axmed Ciise Cawad oo maanta ku dhawaaqay in uu u tartamayo xilka ugu sarreeya Punland ayaa bulshada ka codsaday in ay taageeraan olo’lihiisa, maadaama uu isagu wax ka qaban-karo nidaamka Dowladnimo ee ay Puntland xilligaan u baahan-tahay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed