Askartii ku dhimatay weerarkii Xabsiga Dhexe ee Xamar oo loo dhisay Taallo

Kulan ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar ayaa maanta oo ay isugu yimaadeen Sarakiisha Ciidan Asluubta iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa laga xusay Askartii ka qeyb qaadatay soo afjarista weerarkii ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlay saraakiil ka tirsan ciidanka Asluubta ayaa ciidanka ku ku boorriyay ka qeyb qaadashadodii weerarkii Xabsiga dhexe, isaga oo faray in ay feejignaadaan.

Xasan Xuseen Raage, oo ahaa Askarigii diiday in uu dhiibo furahii Xabsiga dhexe ee Xamar, sidaas na lagu toogtay ayaa la faray in ay ku daydaan Askarta, sidoo kale Askartii kale ee loo dhisay taallada ayaa kala ahaa: Cabdullaahi Cali Yuusuf, Cabdifiraax Maxamed Cabdullaahi iyo Cumar Milixsan, isaga faray in ay ku daydaan.

Dhisidda Taalladaan ayaa imaaneysa xilli Taliyaha ciidanka Asluubta Garenal Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu horay u sheegay in dalacsiin iyo taalo loo dhisi doono askarigii diiday in uu furaha ku wareejiyo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed