Amniga garoonka Aadan Cadde oo shir laga yeeshay

Kulan looga hadlayay horrumarinta amniga garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho waxaa uga qeyb galay Hay’adaha amniga garoonka, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka socotay hey’adda Mareykanka u qaabilsan amniga garoomada TSA.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta ka socota hay’adda TSA ayaa dalka joogi doona muddo 3 maalmood ah, iyaga oo kulamo la qaadan doono dhammaan qeybaha kala duwan ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde, kulamadaan ayaa lagu qiimeynayaa heerka wanaagsan ee hey’adaha amniga Soomaaliya ay gaarsiiyeen sugidda amniga garoonka.

Kulanka masuuliyiinta Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle, Hay’adaha Amniga Garoonka iyo Hay’adda Duulista Rayidka oo dhinac ah iyo Hay’adda TSA ay ku yeesheen xafiiska maamulka garoonka ayaa gogol xaar u noqon doona sidii lagu gaari lahaa in diyaaradaha ka duula garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho ay si toos ah uga degaan garoomada diyaaradaha dalka Mareykanka.

Diyaardaha ka baxa Soomaaliya ayaa horay u mari jireen dalal kale si ay u gaaraan wadanka Mareykanka sababa amni awgeed

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed