Al-shabaab oo gacanta ku dhigay Muwaadiniin u dhashay Ukraine

Muwaadiniin u dhashay dalka Ukraine oo la sheegay inay saarnaayeen diyaarad nuuca qumaatiga u kacda ayaa la sheegay in ay u gacan galeen Ururka Al-shabaab ka dib markii ay ku dagtay deegaan ay maamulaan sida ay sheegtay wasaaradda arimaha dibadda ee Ukraine.

“Muwaadiniinteenu ayaa tir ahaan dhamaa Afar waxayna kamid ahaayeen shaqaalaha diyaarad u hawlgalaysay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya…Jinsiyadu waa la xaqiijiyay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Ukraine oo qoraal ku daabacay Facebook.

Diyaaradda oo u shaqayneysay Qaramada Midoobay ayna saarnaayeen sagaal ruux ayaa hawlgal caafimaad oo ay dhaawac uga soo daabuleyso furimaha dagaalka ee Galmudug ugu socotay magaalada Wisil, balse cilad farsamo darteed ku qasbanaatay inay ku dhacdo deegaan ay Maamulaan Al-shabaab .

Afhayeenka u hadlay Ukraine ayaa sheegay in diyaaradda ay lahayd shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraas ka haysata Qaramada Midoobaay.

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii sheegtay inay ku howlan tahay soo furashada la haystayaasha, balse quburada ammaanka ayaa sheegay inay adkaan doonto in lasoo furto shaqaalaha diyaaradda la socday.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed