Akhriso; War Murtiyeedka laga soo saaray shirka IGAD ee Kampala

IShirkii 42-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa maanta oo Khamiis ah 18-ka Janaayo 2024 ka dhacay magaalada Entebbe ee dalka Jamhuuriyadda Uganda ayaa laga soo saaray War Murtiyeed iyadoo loogaga hadlay ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka IGAD ayaa waxaa shir gudoominayay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale waxaa ku sugnaa madaxweynaha Kenya, William Ruto, madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh maxamuud, Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir iyo madaxweynaha Uganda Yoweri Moseveni. Sidoo kale waxaa ku sugnaa madaxda urur goboleedka IGAD iyo diblumaasiyiin ka socda Midowga Yurub iyo Bariga dhexe.

War Murtiyeedka laga soo saaray shirkan oo uusan ka qeybgalain Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ugu horeyntii lagu muujiyay walaaca laga qabo is-bedellada cusub ee xiriirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

“Goluhu Wuxuu dib u xaqiijiyay mabaadi’da asaasiga ah ee ixtiraamka madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wax qabad kasta waa in uu dhowraa mabaadi’da asaasiga ah ee kor ku xusan,heshiis kasta waa in uu ahaadaa ogolaanshaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya;”ayaa lagu yiri War Murtiyeedka ka soo baxay Shirka.

War Murtiyeedka ayaa ugu baaqay Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay dejiyaan xiisadda, beddelkeedana ay yeeshaan wada hadal wax ku ool ah.
Hase yeeshee Dowlada Soomaaliya ayaa hore u diiday inay wax wadahadal ah la yeelatao dowlada Itoobiya illaa ay dib ugaga laabanayso heshiiska ay la saxiixatay Maamulka Somaliland.

War murtiyeedka ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa colaada Sudan, iyada wadamado walaac ka muujiyeen xaaladda bani aadanimo ee ka jirta dalkaas.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed