Agaasimaha Ciidamada ilaaliya Madaxda Mareykanka oo is casishay, ka dib isku-daygii dil ee Trump

Agaasimaha Ciidamada Adeega Sirdoonka, Kimberly Cheatle ee sida gaarka ah u ilaaliya madaxda iyo shaqsiyaadka muhiimka ah ayaa iscasishay, ka dib isku daygii dhowaan lagu dili rabay Madaxweynihii hore ee Mareykanka ee Donal Trump.

Haweeneydan ayaa iscasishay ayaa tilmaamtay in ay ku fashilantay howlihii loo idmaday, maadama ay ogaan waayeen ciidamada ninka dhalinyarrada ee isku dayay in uu dilo Trump.

Kimberly Cheatle, agaasimaha Ciidamada Qarsoon ee Madaxda ilaaliya ayaa xilka heysay tan iyo Agoosto 2022, iyada oo wajaheysay baaqyo isa soo taraya oo ahaa in ay iscasisho iyo baaritaano dhowr ah oo ku saabsan sida uu toogashada ugu suurtagashay in uu aad ugu dhawaado musharraxa madaxweynaha Jamhuuriga, xilli uu ku sugnaa olole bannaanka ah oo ka dhacay gobolkaa Pennsylvania.

Ku-xigeenka Agaasimaha Adeegga Sirta Ronald Rowe ayaa loo magacaabay inuu noqdo ku-simaha agaasimaha. Rowe waa 24 sano jir ka tirsanaan jiray Ciidamada Adeegga Sirta ee Maraykanka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed