Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen 1-da Febraayo 2025 buuraha Calmiskaad, 50 mayl koonfur-bari ka xiga Boosaaso, lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsan ISIS-Soomaaliya.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Puntland ay dagaal culus kula jiraan kooxda ISIS ee ku dhuumaaleysaneysa buurahaas, iyagoo horey khasaare weyn ugu geystay dagaalyahannada ISIS. Puntland ayaa sheegtay inay weerarro is-daba joog ah ku qaaday xarumaha ay kooxdaasi ku leedahay deegaannada buuraha Calmiskaad, halkaas oo la rumeysan yahay in ISIS ay ku leedahay saldhigyo waaweyn.
Duqeyntii AFRICOM waxaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay Axmed Maeleminine, oo ahaa hoggaan sare oo ka shaqeyn jiray qorista dagaalyahannada, maalgelinta ISIS, isku dubaridka weerarrada dibadda, iyo fududeynta dagaalyahannada ajnabiga ah ee ku biiraya kooxda.
AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda ISIS iyo shabakadaha ay ku leeyihiin Geeska Afrika, gaar ahaan meelaha ay ku sugan yihiin xubnaha sare ee kooxda. Dagaalka ka socda buuraha Calmiskaad ayaa ah mid si weyn u wiiqay awoodda ISIS, iyadoo kooxdaasi la kulantay khasaare xooggan oo dhanka dagaalyahannada iyo xarumaha ay ku leedahay halkaas ah.