Afhayeenka Booliiska oo Suxufiyiinta Muqdisho ka raalligeliyay hadal gef ah oo kasoo yeeray

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa raalligelin ka bixiyay gef uu horay ugu geystay Suxufiyiinta Madaxbannaan ee ka howlgasha Magaalada Muqdisho kaas oo dhaliyay falcelin ay ka sameeyeen Suxufiyiintu.

Cabdifitaax ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in uu raalligelin ka bixinayo gefka ay katirsanayaan Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, isaga oo kula dardaarmay in ay kordhiyaan wadashaqeynta kala dhaxeysa.

“Waxaan raalli galin buuxda ka bixinayaa Tabashooyinka  Wariyayaasha iyo Warbaahinta ay ka howl-galaanba ee Muqdisho ka qabeen qeybta Warfaafinta ee Boliiska gaar ahaan Xafiiska Af-hayeenka Boliiska Soomaaliyeed” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska G/lle Cabdifitaax Aadan.

Waxa uu intaas ku daray in maalmihii lasoo dhaafay uu socday wadahadal xal looga gaarayay tabashada Suxufiyiinta oo ugu dambeyn lagu heshiiyay in uu raalligelin bixiyo halka Saxaafadda diiradda ay saareyso in xoojiso la shaqeynta Xafiiska Warfaafinta Booliiska.

“Kulama noo Socdey  Maalmihii Lasoo Dhaafey Ayaan ku lafa gurney wixii Qaladaad ah ee jirey  waxaana ugu mahadcelinayaa  sida qiimaha leh ee ay u aqbaleen inay Lashaqeeyaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  .tabashadoodina wax laga qabtey  intii karaankeena aheyd” Ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan.

Tiro kamid ah Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho ayaa horay ugu dhawaaqay in ay joojiyeen wadashaqeynta Ciidamada Booliiska gaar ahaan Xafiiska Warfaafinta u qaabilsan ilaa inta laga baddelayo ama raalligelin laga siinayo gaf uga yimid Afhayeen Cabdifitaax Aadan Xasan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed