Abaanduulahii guutada 18-aad ee Gorgor oo lagu dilay G.Mudug

Abaanduulahii guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug ayaa lagu dilay dagaal culus oo maanta ka dhacay Koonfurta Mudug kaas oo u dhaxeeyay ciidamo uu hogaaminayay Taliye Suulnuug iyo Al-Shabaab.

Dagaalka lagu dilay Abaanduulaha ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya ay weerar ku qaadeen goob la sheegay iney isku aruursanayeen kooxda Shabaab oo ku taala duuleedka magaalada Caad.

Wararka waxay intaasi ku darayaan inta Taliye Suulnuug uu markii hore soo gaaray dhaawac, hayeeshee markii dambe uu u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Allah u naxadiistee Taliye Suulnuug waxa uu mudooyinkii dambe ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka, isagoona qeyb ka ahaa xureyntii degmada Aadan Yabaal iyo deegaano kale oo ku yaala gobolada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed