Aas Qaran oo Baledweyne loogu sameeyay Askartii dhawaan lagu dilay Ceel baraf

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Daahir Shire Maxamed ,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ,Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ,masuuliyiin kale iyo duubabka dhaqanka ayaa magaalada Beledweyne uga qeyb galay salaadda janaasada AUN askartii dhowaan lagu dilay degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Askartaan maanta aaska qaran Baledweyne loogu sameeyay ayaa 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay meydadkooda ku jiray Farin jeero, hayeshee kulamo badan oo aan loo kala kicin ayaa suurtagaliyay in dhinacyada Abgaal iyo Xawaadle isku afgarteen in ugu horeyn meydadka la aaso.

Si kastaba ha ahaate askartaan ayaa dhawaan iyagoo maraya duuleedka deegaanka Ceel baraf waxaa jidka u galay maleeshiyaad hubeysan oo u beegsaday aano qabiil darteed, kuwaas oo la sheegay in haatan laba ka mid ah gacanta lagu haayo, islamarkaana lagu raad joogo soo qabashada 12 kale oo ka mid ah maleeshiyaad ka dilay askarta.

Ugu dambeyntii dadka Soomaaliyeed ay si gaar ah indhaha ugu wada haayo sida kiisaan carada badan dhaliyay ay dowladda fedaraalka Soomaaliya kusoo afjari doonto.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed