Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarka ay Israa’iil ku qaaday gudaha Magaalada Dooxa ee dalka Qadar, kaasi oo lala beegsaday Xafiiska garabka Siyaasadda ee Xamaas.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ahaa xad gudub ka hor imaanaya shuruucda caalamiga ah.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa falalka argagixiso ee milatari ee ay fuliyeen maamulka gumeysiga Israa’iil, kuwaas oo lagu qaaday deegaanada la deggan yahay ee Doha, taas oo ah xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida qaran ee dalka walaalaha nahay ee Qatar, iyadoo si kas ah loo bartilmaameedsanayo shacab aan waxba galabsan — taas oo jabinaysa dhammaan heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah.
Soomaaliya waxay adkaynaysaa in ficilladan ay yihiin ku xad-gudub sharciyada caalamiga ah, ayna khatar ku yihiin amniga goboleed iyo midka caalami ah. Waxayna ugu baaqaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu qaato masuuliyadda saaran oo uu si degdeg ah tallaabo uga qaado falalkan gardarrada ah ee soo noqnoqday, si loo xaqiijiyo badbaadada rayidka.

