Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka ayaa maanta si rasmi ah u diiwaangeliyay 14 urur siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada kala duwan ee daneeya hoggaaminta dalka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhammaan ururradaasi ay soo buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa, isla markaana lagu wareejiyay shahaadooyinkooda diiwaangelinta.
Waxaa ka mid ahaa ururrada la diiwaangeliyay urur ay ku mideysan yihiin Bajaajleyda Muqdisho, oo loo bixiyay magaca Ururka Cadaaladda iyo Dib u Dhiska Soomaaliyeed.
Ururrada Shahaadada la siiyay:
- Nabadda iyo Cadaaladda
- Ururka Barwaaqo
- Ururka Horumarka iyo Midnimada
- Ururka Badbaado Bulsho
- Ururka Dimoqraadiga Dadweynaha
- Ururka Damal
- Ururka Baraaruga Qaran
- Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
- Ururka Qaranka Dimoqraadiga
- Ururka Dimoqraadiga Soomaaliyeed
- Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed
- Ururka Badbaado
- Ururka Cadaaladda iyo Dib u Dhiska Soomaaliyeed
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa xusay in tallaabadan ay qayb ka tahay horumarinta nidaamka xisbiyada badan, taas oo muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

