Gudoomiyihii hore ee Xiriirka kubada cagta Puntland oo la xiray

Gudoomiyihii hore xirirka kubada cagta Puntland Maxamed Ciiro ayaa saaka laga qabtay garoonka diyaaradaha Garoowe, xilli uu safar u ahaa magaalada Muqdisho, waxaana loo taxaabay Xabsiga Garoowe.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in guddoomiye hore Maxamed Ciiro saaka laga qabtay Airport Garoowe, isagoo safar ku sii ahaa magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu doonayay in uu kaga qeyb galo Shirka guddiga Fulinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Maxamed Ciiro loo haysto eed ku saabsan in uu diiday wareejinta xilkii guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo mas’uul cusub loo doortay, balse muranka dhashay natiijada dartiis uu xil wareejinta diiday guddoomiyihii hore.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed