MW Xasan oo warqadihii Aqoonsinimo ka gudoomay Danjirayaal cusub

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro iyo Safiirka cusub ee Boqortooyada Nederland ee Soomaaliya Danjire Henk Jan Bakker.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu si gaar ah ugu hambalyeeyay danjireyaasha.

“Madaxweynaha ayaa safiirrada ugu hambalyeeyey in ay ka mid noqdeen diblumaaaiyiinta ka howl-gala Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ay wadashaqeyn iyo soo dhawayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhankooda, Danjireyaashan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha qaabilaadda uu u sameeyey, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan xoojinta iskaashiga nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed