Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta Muqdisho ku gubay daroogo halis ah oo lagu soo qabtay Dekedda iyo Garoonka Aadan Cadde kadib amar kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Booliska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in la gubay 250 kartoon oo daroogo ah kuwaas oo ciidamada ammaanku ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen dekedda iyo garoonka.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in daroogada noocan ahi sababi karto cudurro khatar ah sida Kansarka wuxuuna uga digay ganacsatada inay bulshada ku halligaan maandooriye sharci darro ah.
Dhanka kale Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud Cabdirashiid Ismaaciil Nuur ayaa sheegay in gubitaanka lagu fuliyey habraacii sharciga isla markaana dadka soo dejiyey daroogada la xiray oo ay wajahayaan cadaaladda.
Ugu dambeyn Xeer-ilaalintu waxay ku wargelisay bulshada iyo ganacsatada in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata maandooriyaha waxayna ku baaqeen in dhalinyarada laga badbaadiyo khatarta daroogada.

