Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa si adag ugu jawaabtay guddoomiyaha hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya(SODMA), Maxamuud Macallin oo sheegay in Madaxweyne Deni uu diiday gargaar loo waday degaannada Puntland.
Wasiir Ubax Cabdirashiid ayaa caddaysay in uusan jirin wax wada-hadal oo dhexmaray Madaxweyne Deni iyo guddoomiye Maxamuuud Macallin, oo ay ku tilmaantay in uu ka been sheegayo Hadalkiisa, islamarkaana waxay ku eedeysay in uu yahay shakhsi musuq maasuq badan oo boob ku sameeyay Gargaarkii loogu dhiibay shacabka tabaalaysan.
“Agaasime waaye oo xitaa aniga Title ahaan iima dhigmo ee Sidee Siciid Deni u wici karaa, run haduu sheegayo aniga muu isoowaco waayo anigaa ah wasiirkii gargaarka Puntland ee shaqadaas gacanta ku haya, maleh awood uu kula hadlo Madaxweyne” ayay tiri Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo beenisay Warkii Maxamuud Macallin.
Marwo Ubax Cabdirashiid waxay sidoo kale sheegtay in Maxamuud Macallin uu Siyaasadeeyay dhammaan Hawlihii Gargaarka Soomaaliya oo uu dano shakhsiyeed iyo kuwa Siyaasadeed u isticmaalo Mucaawinooyinka loogu deeqo Bulshada Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

