Sidee Madaxda Soomaalida uga falceliyeen Doorashada Hoggaanka Waqooyi Bari?

Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Laascaanood ee lagu doortay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa waxaa ka hadlay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad goboleedyada iyo madax hore.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay Doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Maamulka Waqooyi Bari.

War-saxaafadeed uu soo saarey Madaxweynaha ayuu ku boggaadiyey Xildhibaannada, Guddoonka iyo musharraxiinta Madaxtinimada ee ku loollamay Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa Alle uga rajeeyey Hoggaanka la doortay in uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda culus ee hortaalla.

Waxaan u rajeynayaa Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil in uu ka yeelo hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dowladnimada. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowlad-goboleedka si wadajir loogu xaqiijiyo dhammaystirka Federaaleynta”. ayuu yiri Madaxweynaha

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dadaal badan gelisay xoojinta nidaamka dowladnimada iyo horumarinta hannaanka Federaaleynta dalka maantana la gaaray miro-dhalka dadaalladaasi.

“Doorashadani waxa ay muujinayso biseyl siyaasadeed iyo dadaalka shacabka Waqooyi Bari ay ugu jiraan helitaanka adeeg dowladeed oo dhammeystiran.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Qoraal dhankiisa uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isagoo ka hadlay Doorashada yiri “Hoggaanka la doortay ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari waxaan Eebbe uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo doortay oo ay ugu horreyso dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowladeed, xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada deegaanka, adkaynta amniga iyo xaqiijinta hiigsiga dadja deegaanka”

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa hambalyo iyo duco u diray hoggaanka Maamulka Waqooyi Bari.

“Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Waqooyi Bari ee maanta la doortay waxaan ugu duceynaya in Ilaahey ku asturo masuuliyadda culus iyo gudashada waajibaadka baaxadda leh ee loo idmaday” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed