MW Deni oo Boosaso la kulmay James Swan

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Garoowe ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amb. James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayay. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha amniga siyaasadda iyo bani’aadantinimada.

Inta lagu guda jiray kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray hawlgalka socda ee lagu ciribtirayo argagixisada deegaanka Calmiskaad, iyadoo Qaramada Midoobey ay ku bogaadisay Dowladda Puntland sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah iyo nabadeynta bulshada.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobey taageerada ay siiso Soomaaliya iyo Puntland, isaga oo carabka ku adkeeyay in wada-shaqeynta caalamiga ah ay muhiim u tahay xasilinta amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed