Xubno katirsan madashii mucaaradka oo heshiis la galay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qaar kamid ah xubnihii madasha samatabixinta mucaaradka Somalia ee fadhigeedu ahaa Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay qorshe ay kaga qaybgelayaan doorashooyinka qof iyo cod ee ay waddo dowladda federalka ah ee Somalia.

Xubnahaan oo ay kamid yihiin Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Maxamed Xuseen Rooble, Daahir Maxamuud Geelle iyo Shariif Sheekh Aadan ayaa kulan ay la qaateen Madaxweyne Xasan Sheekh ku shaaciyey in la gaarey heshiis ka kooban dhawr iyo toban qodob ayna ugu muhiimsanaayeen.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siweyn u soo dhaweeyey qorshaha siyaasiyiintaan oo uu ku tilmaamay kuwii saxda ahaa ee laga dhegaysan lahaa talooyinka dhaxalka u noqon doona umadda Soomaaliyeed.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed