Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku fulisay Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud “Salmaan” iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow oo lagu eedeeyay in ay gaysteen qaraxyo iyo dilal ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee DG Puntland.
Raggaan waxaa horay dil toogasho ah ugu ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida kaddib markii fadhi ka yeelatay dhagaysiga eedaha loo jeediyay iyo difaaca Qareennadooda balse ugu dambeyn waxaa ku dhacay xukunka saakay fulintiisa lagu sameeyay.
Dadka la xusay in ay dileen Anas iyo Aadan waxaa kamid ah Nabadoonno ku sugnaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo qaybta uu maamulo Maamulka Puntland sida lagu sheegay warka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka..
Xabsiyada Dowladda waxaa ku xiran Rag lagu xukumay dil toogasho ah kuwaas oo ku eedeysan in ay dilal iyo qaraxyo gaysteen, muddooyinkii dambe waxaa si isdaba joog ah u fuliyay xukunno ay ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

