RW Xamse Cabdi Bare oo u safaray dalka Shiinaha

Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka qeyb gali doona Shirka 7-aad ee Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta oo lagu qaban doono magaalada Yinchuan.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga ganacsi, maalgashi, tiknoolojiyad iyo tamar, isaga oo fursad u ah Soomaaliya in ay ka qayb qaadato horumarinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo dunida Carabta.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Madaxda dalka Shiinaha, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo xoojintiisa.

Saacado ka hor, Ra’iisul wasaaraha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga Midnimada labada dal.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed