Hanti dhowraha qaranka oo eedeymo u jeediyay Maxkamada dalka

Hantidhowrka guud Qaranka JFS Abuukaate Axmed Ciise Guutaale oo Shirjaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in Maxkamadaha dalka ay diideen ka qaybgalka iyo fulista baarista sanadlaha ah uu Xafiiskaan sameeyo.

Axmed Guutaale ayaa sheegay in Maxkamadaha dalka aanay caddayn sabab & cudurdaar maangal ah oo ay ku diideen baaris sanadeedka Xafiiska Hantidhowrka Qaranka oo Hay’ado kala duwan oo Dowladda ay mareen.

Maxkamadda Sare ee dalka oo Miisaaniyadda dowladda sanadkii tagay 2024 ah $2,715,177 ayuu Xafiiska Hantidhowrku sheegay in ay diiday baarista, Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir oo iyanna miisaaniyadda ku lahayd $937,179 & Maxkamadda gobolka Banaadir oo ah $2,110,504 ayaa qudhooda diiday sida uu warbaahinta u sheegay Axmed Ciise Guutaale.

“Baarista u hoggaansanaanta sharciga waxa aan ku sameeyay keliya 21 Hay’adood halka 3 kamid ah ay diideen aqbalidda iyo ka qaybgalka & la shaqaynta Xafiiska Hantidhowrka guud waxaana ay kala yihiin Maxkamadda Sare ee Dalka, Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir,” Hantidhowrka guud ee Qaranka, Avv Axmed Ciise Guutaale.

Waxa uu sheegay in Xafiiska Hantidhowrku adeegsaday fulinta heerka qiimaynta khataraha ee hay’adaha diiday fulinta baarista sanadlaha kuna ogaadeen lacago aan lagu shubin qasnadda Dowladda sida uu hadalka u dhigay Xafiiska.

“Kaddib fulinta heerka qiimaynta khataraha ee Hay’adaha diiday ka qayb galka iyo fulinta baarista sanadlaha ah ee u hoggaansanaanta sharciga, Xafiiska Hantidhowrka guud waxa uu ku xaqiijiyay jiritaanka Rasiidyo lacag qabasho, xukunno dhaqangal ah oo la xiriira Ganaaxyo, Xaraash & la wareegidda hanti warbixin rasmi ah oo aan lagu shubin laguna maamulin qasnadda midaysan ee qaranka kaas oo gaaraya $1,089,998.76, dakhligaas oo ay qabteen Maxkamadaha darajooyinka 1aad ee Gobolka Banaadir,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, Hantidhowrka qaranka JFS.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed