Kulan Villa Soomaaliya uga socda Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Xubnaha Mucaaradka

Shirkii u dhexeeyey Madaxweytooyada Somalia iyo madasha la magac baxday samatabixinta oo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah ayaa fashil ku soo dhammaaday kadib markii laysku fahmi waayey qodobada doorashada.

Warar hoose oo warbaahinta HM heshay ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh qaadacay ka tanaasulidda qaar kamid ah qodobada kujira nuqullada dastuurka kumeel gaarka ee waxka bedelka lagu sameeyey oo mucaaradku dalbadeen.

Madaxweynaha ayaa ogolaaday in laga laabto qodobka ah in madaxweynaha ay doortaan shacabku haseyeeshee wuxuu ku adkaystay inuusan ka laaban qabashada doorashada golayaasha deegaanka iyo barlamaanka oo siweyn khilaafka u sii hurisay.

Xubno katirsan mucaaradka ayaa sheegay in Madaxweynuhu doonayo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn, deegaano aan matalaad lahayn iyo xildhibaano la boobo oo ka shaqeeya dib u doorashadiisa.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed