Iska hor-imaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka laga soo werinayaa miyiga deegaanka Kala-baydh oo katirsan degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Iska hor-imaadkaan oo u dhexeeya laba malayshiya beeleed oo isku haysta ceel biyood cusub ayaa sababay dhimashada laba ruux iyo dhaawac saddex kale, sida ay goob joogayaal u sheegeen warbaahinta gudaha.
Maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaas iyo waxgarad ayaa ku baxay daminta xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanka Kala-baydh ee gobolka Bari oo ku soo aaddey xilli ay gobolka ka socdaan hawlgallo lagu ciribtirayo kooxda Daacish.
Deegaanka Kala-baydh ayaa ah halka isku xirta hawlgalka Cal-miskaad, Magaalada Boosaaso iyo guud ahaa deegaamada kale ee Puntland.

