MW Deni oo dhagax dhigay laami isku xiraya Boosaaso iyo Dhaadaar.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dhagax dhigay waddo jay ah oo isku xiri doonta Magaalada Boosaaso iyo buuraleeyda Cal-miskaad gaar ahaan deegaanka Dhaadaar ee togga Jacayl.

Madaxweynaha ayaa sheegay in jidkaani uu qayb ka qaadan doono isu socodka deegaanka, sugidda ammaanka iyo inaysan dib dambe deegaanka ugu soo laaban kooxaha xagjirka ah ee adduunka dembiyada ka soo galay.

“Waxaan rajaynaynaa in wadadani ay fure u noqoto in deegaamada Cal-miskaad aysan mardambe noqon godad ay ku dhuuntaan dad dembiilayaal ah, ayna ciidamada amniga iyo shacabku si sahlan u tegi karaan”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray,”Wadadaani waxay guud ahaan Puntland u leedahay ahmiyad amni, mid dhaqaale iyo mid bulsho, waxay kaloo qayb ka qaadan doontaa in khayraadka iyo bilicda deegaanka bulshadiisu ka faa’iidaystaan”.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed