Jubbaland oo colaadda gobolka Gedo ku eedaysay Masar iyo Eritrea.

Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeyey qaar kamid ah dowladaha Qaaradda Afrika inay dano siyaasadeed u hurinayaan colaadda ka aloosan qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in dalalka Masar iyo Eritrea ay dabada ka riixayaan colaadda gobolka Gedo, si ay u gaaraan xuduudka Itoobiya.

”Gobolka Gedo waxaa loo soo wareejiyay aragtida Masar iyo Eritrea iyo marabno in deegaankeena la keeno khilaafaadka dalal kale’, Ayuu yiri Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed