Cabdirashiid Janan oo abaabul ciidan ka wada degmada Beled-xaawo.

Cabdirashiid Xassan Cabdinuur ( Janan), oo dhawaan dowaldda Somalia u magacawday madaxa Hay’adaha ammaanka gobolka Gedo ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada deegaamo katirsan gobolkaasi.

Cabdirashiid Janan oo dagaal maalmo qaatay kula wareegey gacan ku haynta xarumaga dowladda ee degmada Beled-xaawo ayaa soo bandhigay ciidamo ku biiray DFS oo loo qorsheeyey maamulka ammaanka degmadaasi iyo deegaamada hoosyimaada.

Sarkaalkaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamo beeleedyadii ku sugnaa Beled-xaawo ay hadda u galeen DFS ayna noqdeen ciidamo ka amar-qaata Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaran ee NISA.

Beled-xaawo ayaa dhawaan ka baxday gacanta maamulka Jubbaland kadib markii beesha ugu badan ee deggan degmadaasi ay ka heshiis la gaartey Cabdirashiid Janan gacantana u gelisey ciidamadii horay uga diiwaangashanaa dowladda Jubbaland.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed