MW Deni oo Boosaaso kaga qaybgalay aaska Dr Cabdiraxmaan Dhegaweyne

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Baari Shire, ayaa ka qeyb galay Aaska Allaah u naxariistee Dr. Cabdiraxmaan Siciid Maxamuud (Dr. Dhegaweyne), oo ahaa masuul xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa Goleyaasha Dowladda , Shacabweynaha Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida marxuumka, wuxuuna allaah uga baryay inuu u danbi dhaafo oo hoygiisa ka dhigo janadii, dhammaanteenna uu inaga wada siiyo samir iyo iimaan.

AHUN Dr. Dhegaweyne wuxuu ka mid ahaa aas-aasayaashii Dowladda Puntland, wuxuuna soo noqday Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Wasiirka Madaxtooyada, Guddoomiyaha Guddiga la dagaalanka AIDs-ka Puntland ee (PAC) iyo la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Caafimaadka, isagoo sidoo kale hada xubin ka ahaa Guddiga ka shaqeynaysa Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ka socda Calmiskaad, wuxuuna ka mid ahaa geesiyaashii reer Puntland ee ku dhaawacmay hawlgalka Calmiskaad ka socda.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed