Jubbaland oo ciidan dheeraad ah geeyay magaalada Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maamulka Jubbaland ciidamo dheeraad ah geeyay gudaha degmadaasi.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidanka laga keenay deegaannada kale ee Maamulkaasi ka taliyo, tillaabadaasi oo sii murjineysa xaaladda.

Ciidamada Jubbaland ayaa ku sugan gudaha magaalada Beledxaawo, halka kuwa dowladda Federaalka ay joogaan xerada ciidanka ee UK oo ku taalla duleedka degmadaasi.

Xaaladda magaalada Beledxaawo ayaa weli daganeyn, iyada oo saacadihii la soo dhaafay maqneyd isgaarsiinta guud.

Shacabka magaalada ayaa walaac ka muujinaya dhaqdhaqaaqyada ay dhinacyada wadaan.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed