Taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi ayaa ka warbixiyey halka uu marayo hawlgalka ciribtirka nabaddiidka Daacish ee Hillaac oo ka socda buuraleeyda Ca-miskaad.
Gen. Aadan Cabdi Xaashi oo ka hadlay shir ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in haraadigii Daacish ay hadda ciidamadu ku baacsanayaan buuraleeyda ku hareeraysan Boosaaso.
“Hawlgalkaasi wuxuu ka soo bilowday Dhar-jaalle oo argagixisadu nagu soo weerartay, waxaan soo marnay Jacayl, Miiraale ilaa Baallade oo hadda ciidanku ku baacsanayaan hareeraha Magaalada Boosaaso”, Ayuu yiri Gen. Aadan Cabdi Xaashi.
Taliyaha ayaa sheegay in ujeedkooda ugu weyni yahay soo afmeeridda Daacishta hubaysan iyo inay tirtiraan dhammaan raadadkii ay ku sameeyeen buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
“Qofku hadduu dhuumanayo oo maad noqdo inaad hesho iyo inaadan helinba way dhacdaa laakiin waxaan rabnaa nimankaa ciidankoodii dagaalamayey inaan iska reebno, kuwa badan oo dhuumanaya oo dhuumasho ku dhintay ayaa jira, laakiin diyaar garawgii Carmo mid lamid ah ayaan July gelaynaa”, Ayuu yiri markale.

