Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gurmad degdeg ah gaarsiin doonto dadka ay abaartu saameysay ee ku sugan gobolka Awdal.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jibriil Cabdirashiid ayaa guddoomiyey kulan ay yeesheen guddiga loo xilsaaray gurmadka dadka ay abaartu ku saameysay gobolka Awdal.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira xaaladaha nololeed iyo saameynta ay abaartu ku yeelatay deegaanka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay in si deg-deg ah loogu gurmado shacabka ay dhibaatadu ka soo gaartay abaarta, isla markaana la mideeyo dadaallada gurmad ee socda.
Golaha Wasiiradda XFS oo 17 bishaan kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa go’aamiyay in ay diirada saarayaan wax ka qabashada abaarta

