Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ayaa maanta ka dhacay iska hor-imaad culus oo u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo ciidamo hubeysan oo la sheegay iney taabacsan yihiin shirka ka socda Laascaano.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu sababay dhimashada ilaa 5 qof, halka dhaawacu kor u dhaafayo 10 qof.
Iska hor-imaadkan ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Laascaano uu ka socdo shir lagu dhisayo maamulka Khaatumo, waxaana halkaas ku sugan wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qayb ka ah abaabulka maamulkaasi.

