Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowladda Puntland ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta wax-ka-baddelka xeerka Tacliinta Sare ee Puntland, waxaana guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta oo wax-ka-beddela akhriska 2-aad ku soo sameeyay ayaa Golaha warbixin u soo jeediyey taas oo la xiriirta la tashiyo uu la yeeshay Guddigu dhammaan dhinacyada xeerku saameynta ku leeyahay.
Xeerkan ayaa si faah-faahsan uga hadlaya dejinta mabaadida lagu hayo tacliinta sare, isagoo qeexaya jihada, maareynta iyo tayeynta waxbarashada heer jaamacadeed.
Intaas kadib goluhu wuxuu guda galay qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerkan, waxaana la qorsheynayaa in dooddu ay sii socoto fadhiyada soo socda.

