Golaha deegaanka degmada Boosaaso oo guddoomiye cusub doortay.

Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Boosaaso ayaa maanta si rasmi ah u soo doortay guddoomiyaha cusub ee degamdaasi, kadib markii uu dhawaan iscasiley duqii ka horreeyey.

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Jinac ayaa si rasmi ah loogu doortay guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Boosaaso, isagoo xafiiska kala wareegi doona guddoomiye Cabdifataax Shanle.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Boosaaso ayaa 3 October 2023, xisbiga Mideeye shaaciyey inuu yahay duqa degmada Boosaaso, waxaase dowladdu aqoonsatay isbahaysi ay sameeyeen xisbiyada qaar oo hoggaan kale soo dhisay.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa korortay tirada degmooyinka Puntland ee golayaasha deegaanku ay mooshinka xilka xayuubinta u diyaariyeen, kadib soo xulistii xisbiyada siyaasadda.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed