Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Hargeysa oo laga mamnuucay qaadashada hubka fudud sida midiyaha

Guddida Nabadgelyada Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa goโ€™aanno ay gaadheen ku mamnuucay qaadashada hubka fudud sida midiyaha, baangadaha iyo wixii la mid ah.

Goโ€™aankan ayaa yimid kadib markii dhawaan laba qof qudh-gooyo loogu geystay degmada Maxamed Mooge ee Hargeysa. Guddida Nabadgelyada Caasimadda ayaa shaacisay in la mamnuucay qaadashada toorreyda, midiyaha iyo baangadaha dhammaan degmooyinka caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex, Axmed Maxamed Cadaad, ayaa yidhi: โ€œWaxaan isla qaadanay in degmo kasta oo caasimadda ku taalla ay mamnuuc ka tahay qaadashada midiyo, toorrey, baangado iyo hub la mid ah. Qofkii lagu qabto isaga oo gacanta ku sita waxa uu mutaysan doonaa in sharciga la horgeeyo.โ€

Waxa kale oo ay sheegeen in qofkii qof kale u adeegsada midi ama dhaawac kusoo gaadhsiiya hubka noocyadiisa kala duwan aan la sii dayn doonin, balse lala xisaabtami doono oo sharciga la horgeyn doono.

Sidoo kale, waxa la mamnuucay dhallinyarada koox-kooxaha u socda ee ujeeddadoodu tahay inay cid dhibaateeyaan. Waxa ay tilmaameen in kooxaha kubadda cagta ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ka diiwaangashan oo keliya loo oggolaan doono inay koox-kooxo ahaan isu abaabulaan.

โ€œWaxa loo digayaa cid kasta oo dhallinyaro ah oo wada xasillooni darro, qas iyo qalalaase. Waxa loo aqoonsan doonaa dad dambiileyaal ah, sharcigana waa la horgeyn doonaaโ€ ayuu Cadaad hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu yaraan afar qof oo dilkooda loo adeegsaday toorrey ayaa bilihii u dambeeyay lagu dilay magaalooyinka Gabiley iyo Hargeysa, iyadoo sidoo kale ay jiraan dad midiyo lagu dhaawacay.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed