Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Macalin ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay baajinta xukuno dil ah oo dowladda Sacuudiga ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed.
Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay inuu kala hadlay Safiirka Sacuudiga u jooga Soomaaliya arrimo badan oo la xariira sidii dhalinyarada Soomaaliyeed u heli lahayeen Cadaalad iyo in labada dal ay yeesheen iskaashi dhinaca Cadaalada iyo garsoorka ah.
Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka Cadaalada Soomaaliya in dowladda Sacuudiga uu la wadaagay heshiis la xariira is dhaafsiga maxaabiista u kala dhashay labada dal ee dambiyada ka gala.
โWaxaan wadna dadaalo ku aadan in mawadiniinta Soomaaliyeed ee ku xukuman dalka Sacuudiga aan la wareegno oo xukunkooda ku qaataan Soomaaliya, waxaan gudbinay heshiiska arinka ku aadan waxaan jawab ka sugi hayna Wasaaradda Caadalada Sacuudiga si aan u dhameystirno heshiiskaโ ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin
Hadalka Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan dalka Sacuudiga lagu toogtay muwaadin Soomaaliyeed, islamarkaana kuwa kale ugu xukuman yihiin dil toogasho ah.