Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo ciribtirkoodi ugu dambeeyay.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin awood ama ciidan u soo kordhay Kooxda Al shabaab balse ay yihiin nafla caari ayna mudan yihiin in qeybta ka hartay loo midoobo si looga ciribtira lahaa guud ahaan Soomaaliya.
Waxa uu Shacabka iyo Culumaโudiinka Dhuusamareeb ka dalbaday inay Maamulkiisa ku garab istaagaan xoojinta iyo dadaalada dardargelinta dagaalka lagula jiro Kooxaha Argagixisada.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dadka degaanadaasi ku nool in iyadoo kaga faaideysanayo Bisha Ramadan in ay iscaawiyaan maadama meelo kamid ah degaanada Galmudug ay abaaro ka jiraan.
Ugu dambeeyn waxa uu xusay in laga waantoobo colaadaha dhexdooda ah ee qabaailka quseeya waxaana fursad ay u tahay ayuu yiri inay Kooxda Al shabaab dib usoo abaabulaan.