Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire oo maanta ka hor hadlayay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay jiraan masโuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo saxiib la ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay maleeshiyo beleedyo ka abaabulayaan magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe si loo xagal daaciyo dagaalka ay Puntland ay kula jirto kooxda Daacish.
Xildhibaanka waxa uu xusay in maleeshiyaadkaasi ay qaateen mushaaraadkii ugu horeeyay loona marsiiyay nidaamka mushaar bixinta ee ciidanka qaranka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in lacagahaasi ay mudnaayeen in lasiiyo ciidamada xaq u dirirka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ah ee Ciidamada Dowladda ku garabsiinaya dagaalka Al-shabaab.
Xildhibaan Mire oo kamid ah mudanayaasha laga soo doortay degaanada Puntland, waxa uu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in Madaxweynaha inuu saxiibadiisa ku abaalmariyo maleeshiyo beeleedyo lagu abaabulayo Garowe iyo Boosaaso in mushaaraad ay la qaataan ciidamada Qaranka, waxaana wax laga naxo uu ku sheegay in masโuuliyiintaasi ay magaalada dhexdeedi ay ugu faanayaan dadka inay ku guuleysteen in maleeshiyaadkoodi ay si nidaamsan ay mushaar ula qaadanayaan ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.
Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Waxa uu Madaxweynaha ugu baaqay inuu mideeyo Shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalana uu joojiyo waxa uu ku sheegay faquuq iyo siyaasado guracan oo uu sheegay inay kala fogeenayaan shacabka loona midoobo dagaalka argagexisada lagula jiro.
Eedeynta xildhibaanka waxaa si kulul uga jawaabay Xildhibaan Maxamed Dheere oo isaguna kamid ah mudanayaasha laga soo doortay Puntland waxaana uu yiri โ ma jirto ciidamo Dowladda qoreeyso oo ay ku dhabar jabineyso kuwa dagaalka kula jira Kooxda Daacish, waana been abuur, Ummadda Soomaaliyeed iyo Golaha shacabkaba aan u sheegayaa inaysan waxaasi jirin nama qabato in horteeni been lagu sheegoโ.