Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

DFS oo la wareegtay xarumaha dowlada ee Gobolka Hiiraan

Masuuliyiintii maamulka la baxay Hiiraan State Cabduqaadir Colow iyo Cabdirashiid Ilkacase  ee halkii sano ee lasoo dhaafay gacanta ku haayay xarumaha maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Baledweyne iyo xerada Militariga ee Lamagalaay ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay dhamaan xarumahaas masuuliyiin ka socotay dowladda Fedaraalka.

Xarumahaan ayaa waxaa lagu wareejiyay wafdi ka socda dowladda Fedaraalka oo maalmahii laso dhaafay ku sugnaa Baledweyne, kuwaas oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Batroolka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, Agaasimaha Hayโ€™adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doorto gobolka Hiiraan.

Ugu horeyn masuuliyiintii maamulka la baxay Hiiraan State oo ka hadlay munaasabad kooban oo ay xarumahaan ku wareejinayeen waxay sheegeen in dowladda Fedaraalka ay ka sugayaan dhameystirka waxyaabaha dhiman oo ay ugu weyn tahay in la helo maamul loo dhan yahay oo ay dadka reer Hiiraan ku qanacsan yihiin.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya iyo Taliyaha NISA oo dhankooda ka hadlay goobta ayaa balan qaaday in dowladda Fedaraalka ay ka shaqeyn doonto in dadka reer Hiiraan ay helaan nidaam loo dhan yahay.

Wasiir Daahir Shire iyo masโ€™uuliyiinta kale ka socota dowladda Fedaraalka ayaa ugu baaqay shacabka reee Baledweyne iney taageeraan dadaalada dowladdu ku xoojinayso amniga iyo maamul wanaagga, waxayna ballan qaadeen in xarumahaan ay ku sameynayaan dhib u dhis xoogan si loogu adeego bulshada.

Ugu dambeyntii ciidanka xoogga dalka ayaa maanta furay dhamaan wadooyin muhiimka ah oo xirnaa tan iyo markii magaalada Baledweyne lagu qabtay doorashadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu aheyd Baledweyne bishii febraayo ee sanadkii 2022-kii, waxaana xirnaashaha wadooyinkaan ku dhib qabay dadka iyo gaadiidka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed