Golaha Shacbka oo ansixiyay sharciga la dagaalanka dambiyada abaabulan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu  wehliyo Guddoomiye ku xigeenka Koowaad iyo Guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee Golaha Shacabka.

Waxaa uu marka hore Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, dhaariyay Ra’isul wasaare Ku xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha cusub ee Golaha Wasiiradda.

Dhanka kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u codeeyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa, iyada oo ay  ogolaatay 138-Xildhibaan, halka ay laba Xildhibaan diiday sedax kalane ay ka aamustay.

Sidoo kale, Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa u codeeyay Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 140-Xildhibaan, halka hal Xildhibaan uu diiday, laba kalane ay ka aamustay.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda uga mahadceliyay ansixinta heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa iyo sidoo kale Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed