RW Xamse oo la kulmay wafti ka socday QM

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah la qaatay ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerrada howlgallada Atul Khare.

Kulankaan waxaa diiradda lagu saaray xaaladda kala guurka ah ee howlgalka gabagabada ah ee ATMIS si loo saldhigo kan cusub ee loo guurayo marka la gaaro sanadka soo socda 2025 ee AUSSOM ka duwanaan doonno sida qorshaha uu yahay.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa Dan-Qaran ay diiradda saareyso sidii looga faa’iidaysan lahaayeen fursadaha ku dhex jira farsmooyinka Amniga ee lagu gacansiinayo Soomaaliya sida hadalka loo dhigay.

Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Xamsa Cabdi ayaa bogaadiyay Ciidamada Dowladda oo fuliyay howlgallo kala duwan oo ka dhacay Gobollada Dalka kuna guuleysteen in ay ka qabsadaan ‘AS’

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Waaxda Taageerada Hawlgallada, ayaa Atul Khare ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay sameysay horumar kala duwan marka la eego sanadihii lasoo dhaafay sida kursiga ay ku guuleysatay ee Golaha Ammaanka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed